Waxaa Goordhow Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu wadaa inay bilaabatay doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.
Doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland ayaa Maanta dhaceysa, isla markaana waxaa ku tartami doona kuraastaas Musharaxiinta farabadan oo uu ku jiro Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa ka socota Teendhada Afisyooni, waxaana howlka ku sugan Ergada doorashada, Guddiga maamulaya doorashada, Guddiyo ka kala socda kuwa doorashooyinka heer Federaal iyo qaar kamid ah Musharaxiinta.
Saddexda kursi ee ugu adag doorashada dhaceysa ayaa waxaa ku tartamayo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Saalax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.
Kursiga kale waxaa ku tartamaya Prof Maxamed Maxamuud Alla Bari, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo C/raxmaan Cismaan Cali, halka saddexaad ay ku loolami doonaan Wasiirka Warfaafinta xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe iyo C/kariin Maxamed Xasan.
Musharaxiinta Maanta ku tartameysa doorashada Aqalka Sare ayaa waxaa ay kala yihiin:
1-Cabdi Xaashi Cabdilaahi, 2-Siciid Cumar Xuseen,
1-Saalax Axmed Jaamac, 2-Ibraahin lidle Saleebaan,
1- Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2- Prof. Cabdi Ismaacil Samatar. 3- Cabdiraxmaan Cismaan Cali
1- Cismaan Abokor Dubbe 2- Cabdikariim Maxamed Xasan, 1- Layla Axmed Ismaaciil, 2- Maxamed Maxamuud Cabdi, 1- Bilaal Idiris Cabdilaahi iyo 2- Saynab Axmed Boqore.