Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay isku hor-fadhiyan Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxaa Maanta halkaasi gaaray Prof Axmed Ismaaciil Samater oo bare sare ka ah jaamacado ku yaalla Dalka Mareykanka.
Safarka uu ku tagay Deeganaka Tukaraq ee Gobolka Sool Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa waxaa ku wehliya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland iyo Saraakii Ciidan,waxaana uu Ciidamada gaarsiiyey deeq Xoolo ah oo uu ugu talo galay.
Waa socdaalkii ugu horeeyay ee Prof Axmed Ismaaciil Samater uu ku tago Deegaanka Tukaraq, waxaana sidoo kale lagau wadaa in uu socdaalo ku maro geegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Sool.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool isku hor fadhigyay Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland kuwaa weli wax xal ah laga gaarin,iyadoona booqashadan ay ku soo aadeysa xili saacadihii la soo dhaafay ay madaafiic isweydaarsadeyn Ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland .