Xubnaha Kongareeska Maraykanka waxay dhawaan ansixiyeen Miisaaniyadda Gaashaandhigga dalkaasi ee Hawlgalladda ka dhanka ah Raashiya iyo Shiinaha, waxaana la fasaxay Miisaaniyadda kale ee loogu tala-galay Hawlgalladda ay Milliteriga Maraykanka ka wadaan dalalka Somalia, Afganistan, Iraq iyo Syria.
Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Jim Mattis waxa uu soo dhaweeyey Go’aanka ay Mudanayaasha Kongareeska Maraykanka ku ansixiyeen Miisaaniyadda Guud ee lagu kordhinayo Difaaca Maraykanka ee ka dhanka ah Shiinaha iyo Raashiya, waxayna Miisaaniyadaasi dhan tahay 716.3 Billion oo Dollar
Dhinaca kale, Kongareeska Maraykanka waxay sii daayeen lacag dhan 69 Billion oo dollar oo loogu talagalay Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee haatan ka socda dalalka somalia, Afganistan, Syria iyo Iraq.