Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Taliska qaybta labaad ee howlgalka AMISOM eek u sugan degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweyne Axmed Madoobe  oo wali ku jira abaabulka howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab  ee Jubbooyinka ayaa maanta booqday Taliska oo ku yaala deegaanka Dhoobley.
Madaxweynaha waxaa halkaas kusoo dhaweeyay Taliye ku xigeenka Taliska qaybta labaad Cornel Kuto iyo Sarakiisha kale Taliskan.
Waxaa uu halkaas kula kulmay Sarakiisha Ciidamada isagoo kala hadlay dardar galinta howlgalka iyo sidii doorka AMISOM uu u noqon lahaa mid muuqda si howlgalka uu u noqdo mid Guulaysta dhamaan dhinacyaduna ay ka qayb qaatan.