Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax khasaaro geystay oo Maanta lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir.
Qaraxaan oo ahaa Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyey ayaa waxaa lagu dhuftay Albaabka Xarunta degmada Howl-Wadaag,waxana la soo sheegayaa in qaraxa ay ku waxyeeloobeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo dad Rayid ah.
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka degmada Howl-Wadaag oo Warbaahinta kula hadlay Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada degmada oo xilliga qaraxa dhacayay ku sugnaa degmada.
Dhinaca kale qaraxa waxaa ku geeriyooday Carruur dhiganayey Dugsi Quraan ku yaalla agagaarka Xarunta degmada,iyo dad Goobta marayay maadaama Xarunta degmada ay ku taallo xaafad.
Goordhow la socda Faah faahinta Warkan.