Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta waxa uu kulan sagootin ah u sameeyay Wafdigii ka socday Aqalka sare ee uu hogaaminayay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug,iyagoo iska xog wareystay xaaladaha ay ku sugan tahay Maamulka Galmudug.
 Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ku wareejiyay Document ay ku qoranyihiin waxyaabaha uu Maamulka Galmudug ka tabayano Dowlada dhaxe,isla markaana ay u baahan yihiin in dowlada iyo maamul Goboleedyada arintooda la dhameeyo oo xal buuxa laga Gaaro.
Sidoo kale Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ka gudoomay Document ay ku qoranyihiin waxyaabaha uu Maamulka Galmudug kaga cabanayo dowladda federaalka Soomaaliya.
“Galmudug waa ay xaqirantahay waana la dulmiyay dowlada hada jirta kaliya ma ahee dowladihii hore baa xaqiray,oo dulmay Galmudug waa kow iyo toban degmo hadii arintiina Gudbino”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.
Wafdigii ka socday Golaha Aqalka Sare ee ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.