Wiil Somali Mareykan ah oo kasoo jeeda gobolka Minnesota, oo noqday qofkii ugu horeeyay ee heysta dhalashada Mareykanka oo ku guuleysta tartanka aqrinta Qur’aanka Kariimka ayaa imaanaya Somalia si uu ula kulmo madaxweynaha Somalia Maxamed C/Laahi Farmaajo.
Axmad Burhaan Maxamed, ayaa noqday qof caan ah tan iyo markii uu ku guuleystay tartanka aqrinta Qur’aanka Kariimka oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta bishii lasoo dhaafay.
17 sano jirkaan oo tartanka aqrinta Qur’aanka ku garaacay inkabadan 100 dhallinyaro ah oo la tartamay kana yimaaday dunida dacalladeeda ayaa sheegay in meel walba uu tago ay ku dul dhoobanayeen dad farabadan oo taageersan.
“Waa wax aad u badan, ma aanan fileyn tan, dadka aad ayay iixushmeeyaan, hadda dadka aanan I garaneyn wey iiyimaadaan waxayna yaqaanaan magacayga oo dhammeystiran,†ayuu yiri Maxamed.
Maxamed ayaa todobaadkan usoo safri doona Somalia kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha Somalia oo doonaya inuu la kulmo una hambalyeeyo Maxamed, sida ay warisay Jariirada The Star Tribune.
Minnesota ayaa hooy u ah bulshada ugu badan ee Somalida ah ee ku nool dalka Mareykanka.