Wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa waxaa lagu soo dhaweeyey Magalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritaria.
Wafdiga Madaxweynaha oo ka yimid Wadanka shiinaha ayaa waxaa Garoonaka diyaaradaha Asmara ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Eritaria Asaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku wada sugan Magalada Asmara.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo Shirka Saddex Geesood ah oo dhexmari doona Madaxweynaha Eritaria,Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo kaas oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Caawa waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa Madaxda Eritaria iyo Madaxda kale ee ku sugan dalkaas.