Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo Munaasabadda Caleema-saarka Maxadweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si ka duwan Madax kale u yimid Caasimadda Muqdisho, wuxuuna Uhuru soo raacay diyaarad nooca Milateriga ah oo kasoo qaaday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaasi Kenya.
Mqudisho ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweynaha Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha Masar iyo Madax farabadan, kuwaasi oo ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha oo Maanta dhacaya.