Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) Â iyo wafdigiisa ee ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa maanta kulan gaar ah la qaatey xubno ka socdey Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka.
Kulankan ayaa lagaga wada hadley xoojinta la dagaalanka Alshabaab iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah deegaanada Ciidamada Jubbaland ay ka saareen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Madaxweynaha Jubbaland oo weli ku sugan Brussels ayaa inta uu ku sugan yahay waxa uu sidoo kale kulamo la qaadan doonaan Madaxda ka kala socota Wadamada Caalamka ee shirkaasi ka qeyb galaya.