Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkaasi ka furay Kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Maamulkaas
Munaasabadda furitaanka kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Skeekh Cismaan Barre, Guddoomiye ku Xigeenka Aqalka Sare ,Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Sheekh Cismaan Barre Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaanada Hirshabeelle ay horyaalan ajandayaal badan islamarkaana loo baahan yahay inay ansixiyaan.
Waxaa sidoo kale Kudbad ka jeediyay Munaasabadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaallka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxamaan,waxaana uu dardaaran u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle isagoona kula dardaarmay in Xildhibaanada shaqada u taalla ay u gutaan si wanaagsan.
Magaalada Jowhar ee Caasimada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta waxaa dib ugu laabtay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isagoona maanta halkaasi si Rasmi ah kaga daah furay kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle,waxaana uu khubad dardaaran ah u jeediyay Xildhibaanada Hirshabeelle.
Kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa looga hadli doonaa ajandayaal dhowr oo horyaala Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle,sida ammaanka iyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.