Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay kulan loogu diyaar garoobayey furitaanka Kal-fadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Kulanka oo ay yeesheen guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa waxaa shir guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad,waxana  uu ahaa mid looga hadlay intiisa badan furitaanka golaha shacabka iyo qorsheynta howlaha horyaalla golaha.
Mahad Cabdala Cawad Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa kulanka ka sheegay in Xildhibaanada ay horyaalaan ajandooyin dhowr ah,isla markaana looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan ka doodistooda.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan War uu oo saaray waxa uu ku shaaciyey in kal-fadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu furmid doono 10-ka Bisha soo socota ee September ee Sanadkaan 2018.