Hadal ka soo baxay Ciiddanka Badda ee dalka Sri Lanka ayaa lagu sheegay inay soo badbaadiyeen 3 Kalluumeysato Soomaali ah oo Doonidii ay ku safrayeen ku go’doontay meel ka baxsan Badda Fog ee Xeebta Koonfureed ee dalkaasi.
Shabakadda Wararka ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Sri Lanka oo soo bandhigtay Sawiradda Kalluumeystadaasi ayaa qortay in Markabka Dagaalka Sri lanka ee SLNS NANDIMITHRA ka soo badbaadiyey Kalluumeystadaasi Fiidnimadii Arbacadda ee la soo dhaafay meel 115 nautical miles ka baxsan Xeebta Degmadda Galle Lighthouse ee Koonfurta Sri Lanka.
Dhinaca kale, Kalluumeystada ayaa loo gudbiyey Saldhigga Boliska ee magaalladda Galle Lighthouse, kadib, markii loo fidiyey daryeel caafimaad.
Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda halka ay Kalluumeystada asal ahaan ah ka shiraacdeen iyo qaabka habowga leh ee ay ku gaareen Xeebaha dalka Sri Lanka.