Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland iyo qaar ka mid ah Hay’adaha samafalka e ka howlgalla deegaanada Maamulkaas ayaa waxa ay kormeer ku tageen degaano ay ku sugan yihiin dad kasoo barakacay deegaanada ay Maamulaan Al-Shabaab.
Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland  iyo Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose,mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha samafalka ayaa waxa ay tageen deegaanada Buulo Gaduud ,Werkooy Baarka iyo Sanguuni,halkaas oo ay ku nool yihiin Qoysas kasoo cararay deegaanada ay Gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Dadka ayaa sababaha ay deegaanada Al-Shabaab uga soo barakaceen ay ka mid yihiin sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,duqeymaha mar walba lala eegto iyo in aysan jirin Hay’ado gargaar oo deegaanadaas ka Shaqeynaya.
Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Gooni ayaa Shacabka deegaanka Baarka u sheegay in Dhawaan deegaankaas laga hirgalin doono Xarumo Caafimaad,Iskuulo iyo Xaruntii Maamulka deeganka uu ku Shaqeen lahaa.
Dhinaca kale Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmman Cabdi Axmed ayaa isna sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ay ku howlan tahay Sanadka 2019 in deegaanada laga saaray Al-Shabaab laga hirgeliyo waxyaabaha muhiimka u ah Adeegyada Bulshada.