Gudoomiye Ku xigeenka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa maanta kormeeray Xarumaha Saddex Degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir.
Xarumaha uu kormeerka ku tagay Gudoomiye Tuulax, ayaa waxa ay kala yihiin Degmooyinka Xamar weyne, Xamar Jajab & Degmada Waaberi halkaasi oo uu ugu kuur galaayay qaabka shacabka Degmooyinkaasi loogu adeego iyo hanaanka ammaanka Degmooyinkaasi uu yahay.
Gudoomiye Tuulax ayaa la sheekeystay qaar ka mid ah Shaqaalaha Xarumaha Degmooyinka oo uu waydiiyay sida shacabka ay ugu adeegaan, waxaana uu kula dar daarmay inay sii laba jibaaraan shaqada Bulshada ay u hayaan ee ah u adeegida shacabka Somaliyed.
Kormeerka ayaa ka bilowday Degmada Xamar weyne, halkaasi oo maamulka Degmada & Shaqaalaha si wanaagsan u soo dhaweeyeen Gudoomiye Ku xigeenka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax, kadibna ay uga warbixiyeen sida shacabka ugu adeegaan.
Sidoo kale Degmooyinka Xamar Jajab & Waaberi ayuu si la mid ah Degmada Xamar weyne kormeerka ugu tagay, halkaasina si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen Shaqaalaha & Maamulka Xarumahaasi.
Gudoomiye Tuulax ayaa saddexda Degmo ee uu tagay Maamulka & Shaqaalaha kula dar daarmay inay si hufnaan ah ugu adeegaan Bulshada Somaliyed ee Degmooyinkaasi ku nool, si dadka looga haqabtiro adeegyada dowladda hoose.