Garsoorayaasha  Maxkamada Sare ee dalka ahna la taliyeyaasha Guddoomiyaha Maxkamada Sare ayaa Maanta kulan ay yeesheen waxa ay kaga hadleen xaalada Garsoorka Soomaaliya,iyaga oo eedeyn u jeediyey gudoomiyaha maxkamada sare.
Garsoorayaasha ayaa waxa ay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dalbadeen in Maxkamada Sare uu u soo magacaabo guddoomiye Cusub, oo khibrad u leh howlaha Garsoorka dalka.
Waxa ay sheegeen in wadahashaqeyntii u dhexeysay iyaga iyo gudoomiyahooda ay meesha ka baxday,iyaga oo la hadlayey Dalsan TV,waxana hor kacayey gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda Sare Dr.maxamad maxamuud (Dr.luu)