Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu dhaariyay Garoorayaasha Maxkamada sare ee dalka ee uu Madaxweynaha Soomaaliya magacaabay shanta bishaan,iyadoona uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka.
Goobta lagu dhaarinaye Garsoorayaash ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Cadaaaladda XFS ,taliyaha Ciidanka Asluubta iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha dalka,waxa ayna mas’uuliyiintaas bogaadin u jeediyeen Garsoorayaasha cusub ee maanta la dhaariyay.
Madaxdii ka qeyb gashay dhaarinta ayaa garsoorayaasha kula dar daarmay in si cadaallad ah ay ummada Soomaliyeed u shaqeyaan,isla markaana loo baahanyahay in loo muujiyo Bulshada fur furnaan iyo Daacadnimo.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa Hayâ€adaha Garsoorka dalka waxa uu ugu baaqay in shacabka ay ku kalsoonaadaan,isagoo sidoo kale sheegay in Hayâ€adaha Garsoorka looga baahan yahay in ay la yimaadan daacadnimo iyo Fur furnaan.