Maanta waxay  EFASOM  soo gaba gabeysey kulan 2 maalin ah oo looga hadlayey sare u qaadida waxbarashada gabdhaha ku nool deegaanadda maamul-goboleedkaGalmudug.
Kulanka oo socdey laba (2) maalin waxaa ka soo qeyb-galey bulshada rayidka, dhalinyaradda, haweenka, iyo xubno ka tirsan dowladda.
Kaqeyb-galayaasha ayaa arimaha ay ka hadleen ku soo koobey sasabta ay dowladu u fulin waysay waxyaabihii ay balan qaaaday iyo xaqa waxbarashadda gabdhaha oo aan sidii loo baahnaa loo gaarsiin:
- Waxaa jira dadka qaar sida waalidiinta oo aan gabdhaha keenin dugsiyadda
- Dowladda oo aan awood dhaqaale lahayn.
- Deegaano qaar ah oo aysan ka jirin wacyigelinta waxbarasho
- Dhaqanka Somalida miyigga oo saameeyay inaan gabdhaha wax la barin.
Falanqeynka dib, waxaa lagu tilmaamey in ay jiraan arimo aanan gabdhaha looga maarmin taas oo culeys ku keeni karta waxbarashada gabdhaha hadii aan la caawin sida:
Cabdirashiid Cali Maxamed oo katirsan dhalinyaradda Bulshada Rayidka oo waxa uu ka Hadley madasha, kana jawaab bixiyey sababta loo siin waayay waxbarasho siman wiilasha iyo gabdhaha
- Gabdhaha inta badan waxaa loo adeegsadaa guriga iyo in ay ka qayb qaataan korinta caruurta
- In gabadhu guursato ayada oo waxbarashadii ka harto sidaasna cidu ay qasaaro u arkaan.
- Gabdhaha oo qaarkood iska dhigaya in ay wiilasha ka karti yaryihiin
- Waaaalidka oo aaminsan wiilka in uu ka waxbarasho wanaagsanaan karo gabadha
Ifraax oo ka tirsan bahda waxbarashada ee Gobolka waxay sharaxaad ka bixisay sababta wax loo bariwaayay gabdhaha qaarkood miyi iyo magaalaba :
- Dadka soomaliyeed ee ku nool miyiga mahelaaan adeega waxbarasho
- Waxaa jira sababo dhaqaale maadaama aysan jirin waxbarasho bilaash ah
- Hooyooyinka qaar oo miyiga jooga ma ogolo in ay gabdhahooda ka fogaadan oo meel kale waxbarasho loo geeyo.
- Dadka qaar oo aan dhaqaale ku filan haysan waxay siiyaan wiilasha waxbarasho gabdhahana guriga ayay ka shaqeeyan.
Ugu dambeyntiii waxa aso oxerey kulanka maant aMudane Cabdiraxman Cabdullaahi Xuseen oo ah Gudoomiyaha Dagmada Cadaado. Wuxuu hadalkiisa ku soo koobay: