Mudane Axmed Ciise Cawada wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo danjiraha Dowladda Qadar ee Soomaaliya ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo machadkii arrimaha diblomaasiyadda Wasaaradda ay lahaanjirtay,kaasi oo kamid ahay hay’adihii dowliga oo 25 kabadan burbursanaa, iyadoo ay hareer taagnaayeen diblomaasiyiin kale iyo wakiilka hay’adda Qadar ee Soomaaliya Cabdi Nuur Xaaji Cali iyo xubno kale.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahadceliyay dowladda Qadar sida ay uga gacansiisay mashaariicda dib u dhiska machadkan.
“Waxaan uga mahadcelinaynaa dalka walaalaha nahay ee Qadar in ay nagu gacan siiyaan dib u dhiska macahadkan,sifiirka Qadar ee Soomaaliya wakaalken safiir Xasan Bin Xamza ayaan mahah gaar ah u celinaynaa maadaama uu dowr ka qaatay mashruucan oo ay maalgelinayso dhismihiisa Dowladda Qadar,waxaana ku soo dhaweynaya in aan si wada jir ah u dhagax dhignoâ€. Ayuu yiri Wasiir Cawad.
Safiirka Qadar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza ayaa isna kahadlay dhaga dhigasi,wuxuu muujiyay safiirka sida ay uga go’antahay dowladad Qatar in ay ka taageerto mahsariicda,islamarkaana ay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Qadar ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada mashaariicda horumarineed iyo bida gar gaarka bani’aadanimo oo ay ka wadaan Soomaaliya.