Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii Maanta Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo ka dejisay gaadiid nooca aan xabadda karin ee loo yaqaano Bullet-proof.
Diyaarad ayaa gaadiidkan ka qaaday Muqdisho, isla markaana ka dejisay Garoonka Doolow, iyadoona halkaas ay kula wareegeen Taliyaha howlgelinta Jubbooyinka Bakaal Kooke iyo Taliyaha nabadsugida degmada iyo Guddoomiyaha Doolow Cali Faarax.
Dowladda Federaalka ayaa maalmo kahor degmada Doolow ku daabushay Ciidamo farabadan, kuwaasi oo laga qaaday Caasimadda dalka, lana dejiyay Xarumo loogu tala-galay Ciidamada.
Gaadiidka laga dejiyay Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa kusoo beegmaya, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda iyo Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan uu wada-hadal u socdo.
Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa isku haaya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, waxaana dowladda ay Gobolkaas geeysay Ciidamo farabadan, Hub iyo gaadiid nooca dagaalka.