Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay Baratamaha magaalladda Harare, kuwaasi oo codsanaya inuu is-casilo Madaxweynaha dalkaasi.
Ugu yaraan 8,000 oo qof ayaa ka qeyb galayo Dibadbaxaasi, kuwaasi oo isugu tegay Aqalka Dowladda ee magaalladda Harare, si ay taageero ugu muujiyaan Saraakiisha Milliteriga ee la wareegay Talada dalkaasi..
Dibadbaxyo kale ayaa waxay ka socdaan magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi eeBUULAWAAYO.
Dhinaca kale, Xubnaha Xisbiga ZANU PF ayaa la filayaa inay berrito Codka Kalsoonida kala noqon doonaan Madaxweyne Mugabe, haddii uusan maanta ku dhawaaqin inuu is-casilay.
Sidoo kale, Hoggaamiyayaasha dalalka ku jira Urur-gobaleedka  Horumarinta Bulshadda ee dalalka Afrikadada Koonfureed ee SADC ayaa la filayaa inay Berrito Kulankooda Cadaiga  ku yeeshaan  dalka Botoswaana, si ay uga arrinsadaan Xaalladda dalka Zimbabwe.
Madaxweynaha Botoswaana, Iyaan Khama waxa uu si cad ugu baaqay Madaxweyne Mugaabe inuu xilka iska casilo.