Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay bilaabeyso dabagal ay ku sameyneyso balanqaadkii Dowladda Turkiga ee 10,000,kaas oo aan weli la fulin.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Fitaax Ibraahim geeseey ayaa sheegay inay bilaabayaan dabagalka ku saabsan mashaariicda loogu tallo galay dhismaha 10,000 oo ay balan qaaday dowladda Turkiga.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tegay dalka Turkiga ayaa waxaa Madaxweynaha dalkaas Rajab Dayib Urdugan ay ka wada hadleen sidii loo fulin lahaa balan qaadka ku saabsan dhismaha 10,000 oo Guri.