Shilkaan Gaari oo sababey khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Taleex gaar ahaan agagaarka Maqaayada Fatxi ee degmada Hodan Gobolkan Banaadir.
Gaari nooca dadweynaha ee  loo yaqaan Hoomayda ayaa la sheegay in uu ku fariin goostay meel aad ugu dhow maqaaxida Fatxi,sidaasina uu shilka ku yimid.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in shilkaas uu ku geeriyooday hal ruux halka mid kale uu ku dhaawacmay,kuwaas oo ahaa dad ku sugnaa goob Ganacsi oo ku taalla Goobta uu shilka ka dhacay.
Magalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca shilalka gaari kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.