Ciidamada xasilinta Caasimadda dalka ayaa xalay howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka banaadir kaas oo lagu soo qabtay tiro Mooto Bajaaj ah.
Howlgalka ayaa waxaa horkacayay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo iyo saraakiil kale,waxaana howlgalka lagu soo qabtay in ka badan 60 Mooto Bajaaj.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in howlgalka Mootoyinka Bajaajta ah ee lagu soo qabtay ay ahaayeen kuwo taargo la’aan ah kuwaas oo looga shakiyey in ay qeyb ka yihiin amnidarrada ka jirta Muqdisho.
Waxa uu sheegay guddoomiye Tuulax in haatan baaritaano lagu sameynayo mootooyinkaas,isla markaana dhalinyarada wadata Mootoyinka aan taargada laheyn uu ugu baaqayo in ay soo qaataan.
Ugu dambeyn guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa isna waxa uu sheegay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa amniga Muqdisho laga hagaajinayo.
Sikastaba howlgalka mootooyinka lagu soo qabtay ee xalay laga sameeyey Muqdisho ayaa ah kii ugu horeeyey ee la sameeyo,waxa uuna kusoo aadayaa xilli habeeno ka hor ra’iisul Wasaare Kheyre uu sheegay in amniga Muqdisho lagula xisaabtami doono guddoomiyaasha degmooyinka.