Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay dhulka ka soo saaraan Miino lagu aasay xilli ciidamadu ay howlgal ku jireyn.
Miinada ayaa waxaa lagu aasay inta u dhaxeysa Tuulooyinka Buula-Gaduud iyo Baar-sanguun oo ay inta badan ku safraan ciidamada dowladda iyo kuwa jubbaland oo maalmahaan howlgallo ka waday deegaanada gobolada jubbooyinka.
Saraakiil ka tirsan ciidanka jubbaland ayaa waxaa ay Dalsan u sheegeen in miinadaas oo culeyskeedu gaarayay 40kg ay dhulka ku aaseen Al-Shabaab.
Tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada magalada kismaayo ayaa todobaadyadaan waxaa ka socday howlgallo ay siwadajir ah u fulinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa jubbaland iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulmayey dagaalamayaasha Al-Shabaab.