Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa wax ay sheegayaan in Xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta hormuud ay bur buriyeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya oo halkaasi ka howlgalla.
Xaruntaan la bur buriyay ayaa ku taalla deegaanka Cali Buuley oo 30km dhinaca waqooyi uga beegan degmada dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dad ku sugan deegaankaas ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay Miinoooyin ku bur buriyeen Xarunta ,sidoo kalena ay jir dileen mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda.
Sawirro lagu faafiyay Baraha Bulshada ayaa ka muuqanayay burburka  Dhismaha Xarunta iyo Taawarka iyo sidoo kale mid ka mid ah Shaqaalaha oo uu dhaawac ka muuqdo,sidoo kale waxaa la sheegaya in Ciidamada Kenya ay jir dileen laba ruux oo kale oo ka mid ah dadka tuulada  Cali Buuley.
Ciidamada Bur buriyay Xaruntii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Cali Buuley ayaa la sheegay inay kasoo talaabeen Xadka Soomaaliya iyo Kenya,iyaga oo watay Gaadiidka Gaashaamaan mana aha markii ugu horeysay oo Ciidanka Kenya ay bur buriyaan Xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.
Waa markii labaad oo Ciidamada Kenya waxa ay bur buriyaan Xarunta Shirkadda Hormuud ee Tuulada Cali buuleey,waxaan ay horay u bur buriyeen Xarumaha Shirkadda Hormuud ee deegaanada Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ku wada tirsan Gobolka Gedo.