Magalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka waxaa Maanta lagu soo dhaweeyay Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF.
Qalbi-Dhagax ayaa horay dowladda Soomaaliya ugu dhiibtay Itoobiya,hayeeshee uu cafis u fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sidaasina lagu soo daayay.
Magalada Jigjiga ayaa Maanta siweyn loogu soo dhaweeyay Qalbi-Dhagax,waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay,madxda ONLF ee jigjiga ku sugan iyo taageerayaashooda.
Suugaan iyo rayo kale ayaa lagu soo dhaweeyay Qalbi-Dhagax oo aan weli tegin Jig jiga tan iyo markii laga soo daayay Xabsi uu ku jiray oo ku yaalla Magalada Adis Ababa.
Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax ayaa dhawaan waxa uu Soom maray Gobolo badan oo dalka Soomaaliya ah,sida Jubbaland, Galmudug iyo deegaano kale.