Shalay gelinkii dambe waxaa Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose gaaray Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar iyo saraakiil kale.
Kulamo kala duwan oo ayuu la qaatay Saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka Oktoobar ee ku sugan Marka ayaa waxa uu ku amray inay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxa uu Ciidamada uga mahadceliyey sida wanaagsan oo ay amniga u xaqiijinayaan,waxaana uu ku dhiirigaliyay in aysan ka niyad jabin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isaga oo kula dardaarmay in Shaqada adag ee ay hayaan ay sii labo jibaaraan.
Wararkii u dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ku sugan tuulooyin hoostaga Magalada Marka.