Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xabsiga dhigtay askari ka tirsan Ciidamada AMISOM oo lagu magacaabo CONSTABLE BRONGO JOHN BEBWA
Askrigan oo 27 air ah waxaa u dhashay dalka Uganda waxaana uu ku dhashay  MASINBI IN bariga UGANDA sida maxkamada ciidamada faafisay .
CONSTABLE ayaa darawal ka ahaa Gaari nooca TAAW Taargo Nom. AU 106650 .  kaas oo 09/04/2017 gaari uu waday jiiray marxuum CALI CISMAAN ABBA SHEEKH  ina LUUL XAAJI 32 JIR AHAA  sida maxkamada faafisay .
Gudoomiyaha maxkamadda Ciidamada Qalabka sida  Col. Shuute ayaa sheegay in uu xirnaan doono Askariga ilaa laga helo xaqii uu lahaa muwaadinka shilka ku geeriyooday .
Shilalka AMISOM ayaa hada u muuqda mid xisaabtan ay la daba joogto dawladda taas o farxad galisay shacab badan.
Dhinaca kale Amisom ayaa dalbaneysa in CONSTABLE ay ku maxkmadeeyaan Xalane ama dalkiisa lo celiyo oo halkaas maxkamada lagu saaro.