Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Xildhibaanadda iyo Waxgaradka Beesha Absuge Wacaysle maanta ku qabteen magaalladda Muqdisho.
Shirka Jaraa’id ayaa waxaa lagu xusay inay jiraan Shaqsiyaad u ololeynaya inay boobaan Kursiga Beesha Absuge Wacaysle ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda, iyadoo Ergo been abuur ah loo daabulayo magaalladda Cadaado oo ah magaallo-madaxda KMG ee Maamulka Galmudug.
Suldaan Cabdi Shido, waxa uu carrabka ku dhuftay inuu ka digayo Shaqsiyaadka Danaha Gaarka wata ee Ergooyinka Been Abuurka geeyey Cadaado, si ay u boobaan Kursiga Absuge Wcaaysle.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Ergadda ka codeyn rabta Cadaado yihiin Ergo la dhoodhoobay oo Muqdisho laga daabulay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Ergadda Rasmiga ee Beesha haatan ku wada sugan yihiin magaalladda Mudisho.
Sidoo kale, Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido waxa uu si kulul u naqdiyey fargelinta lagu samaynayo Saamiga ay Jufooyinka Beesha Wacaysle ugu kala qeybiyey Kuraasta ay Beesha ka heshay Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.
Waxaana uu xusay inay dad dano gaar leh isbedel ku samaynayaan Jadwalka Xubno-qeybsiga ee Jufooyinka Beesha Wacaysle.
“Kursigii aan u asteeyey Qoondada Haweenka waxaa qaatay Xubin Rag ah, iyadoo Xubintii aan u asteeyey Raggana la doonayo in Laga dhigo Haweeney†ayuu yiri Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido.
Dhinaca kale, Xildhibaan C/llaahi Cali Maxamuud “Kadafey†oo isagana ka hadlay Shirka Jaraa’id ayaa carrabka ku adkeeyey Go’aanka Suldaan Maxamed Cabdi Shido, isagoo ka digay Ergadda been abuurka ee ka codeynaysa Kursiga Beesha Absuge.
Si kastaba ha ahaatee, Suldaanka Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo oo ka mid ah 135-ka Hoggaamiye-dhaqameed ee soo dhisay Dowladda Federalka waxa uu bishii September soo saaray Saami-qeybsiga Rasmiga ee Jufooyinka Beesha ee ay ku wadaagayaan xubnaha ay Beesha Wacaysle ku leeyihiin Labada Aqal ee Barlamaanka cusub.
Suldaanka ayaa ah Hoggaamiye-dhaqameedkii Xasan Sheekh Maxamuud u saxiixay Kursi-siyaasadeedkii ugu horreeyey sannadkii 2012-kii oo loogu doortay Madaxweynaha JFS.
Murankahaatan taagan ayaa waxa uu ka dhashay Kursiga Qoondada Haweenka ee ku soo aaday Jufada Madaxweynaha ee Cali Gaaf ku gacan sayreen, isla markaana ay Kursigaasi boob ahaan loo siiyey Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim.
Madaxtooyadda ayaa u adeegsatay Awood Maamul iyo Dhaqaale, si Kursiga Qoondada Haweenka la diido, loona magacaabo Saadaq Macallim C/kariim.
Madaxtooyadda waxay kaloo mas’uul ka tahay Ergo Been Abuurka oo loo duuliyey Cadaado, si ay sed-bursi u boobaan Kursiga Jufadda Absuge ee xubinta Ragga, sida uu horey u go’aamiyey Suldaanka Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido.
Halkan ka akhriso Caddaynta saami-qeybsiga iyo Qoondada Haweenka ee Beesha Wacaysle: