Duhurnimadii maanta waxaa Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ka furmay Shirka Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda.
Shirkaasi waxaa xubnaha ka qeyb galayo ka mid ah: Ra’isul-wasaaraha XFS ee uu Xilligiisu dhamaaday, Cumar C/rashiid, Guddoomiyaha BFS ee uu Xuilligiisu dhamaaday, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Madaxweynayaasha Maamulladda Galmudug iyo K/Galbeed, iyo Ku-xigeenadda Madaxweynayaasha  Puntland iyo Jubbaland, Guddiyadda Doorashadda, Xalinta Khilaafaadka Doorashadda iyo Wakiiladda Beesha Caalamka ee ku sugan Somalia.
Kulankaasi oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guddoominayey ayaa lagu lafaguray qoddobo muhiim ah, gaar ahaan Ajendayaasha khuseeya Hawlaha Doorashadda, waxaana warbixin laga dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda, Avvocate Cumar Maxamed Cabdulle.
Waxa uu faahfaahiyey  Hawsha Guddiga, Cabashooyinka taagan, Xal-u-helidda Caqabadaha  iyo sidii Xildhibaanadda cusub loogu fududeyn lahaa Is-diiwaan-gelintooda iyo qoddobo kale.
Hoggaamiyayaasha Madasha waxaa kaloo hor yaallaa sidii xal loogu heli lahaa Cabashadda iyo Dacwadaha Musharixiinta iyo Odayaasha Beelaha iyo sidii loo sixi lahaa qaladaadka muuqda, gaar ahaan Qoondada Haweenka ee la boobay iyo Musharixiinta iyo Beelaha ee la duudsiiyey Xuquuqdooda.
Madaxda Madasha waxaa kaloo laga filayaa inay xal ka gaaraan Tebashadda Maamulka Puntland iyo sidii loogu dhawaaqi lahaa Jadwalka Rasmiga ee Doorashadda Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha 10-aad ee JFS.
Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Michael Keating ayaa u muuqda inuu Madaxda Madasha ku boorinayo inay isku- tanaasulaan, la xaliyo qaladaadka Nidaamka cod-bixinta ee uu Musuqa baahsan harreeyey iyo in dib loogu noqdo Kuraasta Xildhibaanadda ee ay cabashaddu ka jirto iyo in la soo dhamaystiro Qoondada Haweenka ee 30% oo ay ku leeyihiin Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.
Ugu dambeyntii, inta badan 135-ka Hoggaamiye Dhaqameed ee soo dhisay Dowladda Federalka waxay cabasho badan ka qabaan Faragelinta ay inta badan Madaxda Madasha Qaranka ku carqaladeeyeen Nidaamka Cod-bixinta Doorashadda Labada Aqal ee Barlamaanka iyo sida qaar ka mid ah Musharixiinta loo musuq-maasay Kursigii ay ku tartami lahaayeen.
©Radio Dalsan