Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Michael Keating ayaa ka qeyb galay Kulan ballaaran oo ay Guddoomiyaha BFS, Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaariâ€, Guddoonka Guddiga Doorashooyinka iyo Taliyayaasha Ammaanka, kaasi oo looga hadlay sidii loo dedejin lahaa Doorashooyinka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federalka, Avvocate Cumar Maxamed C/lle ayaana faahfaahiyey Heerka ay marayaan Doorashadda Maamul-gobaledyadda ee lagu soo dooranayo xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Waxa uu xusay inay meel gebageba ah marayaan Doorashooyinka, lana filayo in la soo dhamaystiro 275-ka Xildhibaanka ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Michael Keating ayaa isagana ku amaanay Guddiga Doorashooyinka waxqabadkooda, wuxuuna ku booriyey in la soo dhamaystiro xubnaha ka dhiman Aqalka Hoose.
Dhowr maalmood ka hor ayuu Afhayeenka Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia sheegay inay dib u dhacday doorashaddii Madaxweynaha oo la filayey in la qabto bishan November 30-da.
Wuxuuna saadaaliyey inay Doorashadaasi qabsoomi doonto bisha soo soocta ee December 15-da, inkastoo aysan Guddiga Doorashadda Dadban weli ka hadlin Xilliga rasmiga ee la dooran doono Madaxweynaha cusub ee Somalia.
Ilaa 18 Musharax ayaana u taagan Doorashadda Madaxtinimaddii, kuwaasi oo 2 ka mid yihiin Haween.
Lama saadaalin karo Musharaxa ku guuleysan doono Xilkaasi, iyadoo ay jiraan Dowlado kala taageersan qaar ka mid ah Musharixiintaasi.