Kumanaan qof ayaa ka soo qeyb galay Munaasbaadasi iyadoo ku-dhawaad Kun Saraakiil Bolis ilaalo ka hayaan Waddooyinka magaalladda  Banja Luka.
Ra’isul-wasaraaha xilka ka sii degayo ee dalka Turkiga, Axmed Dafatuglu iyo Madax ka tirsan Bosniga ayaa ka qeyb galayo Dib-u-furista Masjidkaasi.
15 sanno ayey ku qaadatay Muslimiinta Bosniya sidii ay ku heli lahaayeen Fasaxa ay dib ugu dhisi lahaayeen Masjidkaasi oo dhisnaa tan iyo Qarnigii 16-aad.
Dhinaca kale, ilaa 614 Masjid ayaa lagu burburiyey dagaalladii ka dhacay Bosniya muddadii u dhexeysay sannadihii 1992-kii ilaa 1995-kii.
©Radio Dalsan