Madaxweynaha DFS ee xilka sii haya, waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha dalka Urdun ee Arrimaha Dhaqaalaha, ahna Wasiiru-dowlaha Maalgashiga, Jawaad Anani.
Wakaalladda Wararka Urdun ee PETRA oo aan warkan ka soo xiganay ayaa baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh loo gudbiyey Qoraal uu u soo diray Boqor dalka Urdun, Boqor Cabdalla Al-thani Ibnu Xuseen, kaasi oo ku casuumay Mdaxweynaha Somalia inuu ka soo qeyb galo Shirka Madaxda Carabta ee ay Dowladda Urdun marti-gelin doonto bisha Maarso ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Kulankaasi ayaa la sheegay in  looga hadli doonaa Xoojinta Iskaashiga iyo Midnimadda Dowladaha Carabta.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu k codsaday Wafdiga ka socday Dowladda Urdun inay salaam ka gaarsiiyaan Boqor Cabdalla Al-thani Ibnu Xuseen, Â , wuxuuna ka mahad celiyey Taageeradda ay Dowladda Urdun u fidiso Somalia.
Xigasho: PETRA