Madaxweynaha waxa uu la kulmay K/S Safiirka , ahna Ku-xigeenka Danjiraha Imaaraadka, Xamdaan Rashiid Al-shamsa, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa Xiriirka Labada Waddan.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu beeniyey inuu xumaaday Xiriirka Labada Dowladood, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay Dowladda Imaaraadka Carabta tahay Rafiiqa Koowaad ee Somalia.
“Waa been abuur iyo Dacaayad Ujeedo Gurracan laga leeyahay wararka ku aadan inuu xumaaday Cilaaqaadka aan la leenahay Dowladda Imaaraadka†ayuu yiri Madaxweynaha, xilli ay qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxtinimadda kulamo joogto ah Safiirka Imaaradka u jooga Somalia, Ambassador Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamaadi kula yeesheen magaalladda Nairobi.
Danjiraha Imaaraadka ayaa la sheegay inuu saldhigtay magaalladda Nairobi, halkaasi oo uu ka hago Hawlaha Safaaradooda ku taalla Muqdisho.
©Radio Dalsan