Danjiraha Dowladda Britain uga wakiilka ah dalka Sacuudiga, Ambassador Simon Collis ayaa qaatay Diinta Islaamka, isla markaana uu ka mid noqday Malaayiinta Xujeyda ee sannadkan gudanayso Waajibaadka Xaajka.
Ambassador Simon Collis ayaa go’aansaday inuu soo islaamo, kadib, markii uu muddo 30 sanno ku dhex noolaa Mujtamac Muslimiin ah, isagoo markii ugu dambaysay ku noolaa dalka Syria tan iyo sannadkii 2012-kii, oo uu xumaaday Xiriirkii Diplomaasi ee Britain iyo Syria.
Ambassador Simon Collis waxaa Gudashadda Xajka ku wehlisay Xaaskiisa Huda Al-mujarkech oo u dhalatay dalka Syria.
Danjire Simon Collis waxa uu Barta uu ku leeyahay Twitterka soo dhigay  Sawirrada ay isaga iyo Xaaskiisa oo xiran Dharka Ixramka ku galeen Albaabka Weyn ee Dhismaha Qunsulliyadda Britain ku leeyihiin magaalladda Barakaysan ee Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga.
Fowsiyah Al-bakar oo ka tirsan Jaamacadda The King Saud University ayaa Twitterka soo dhigtay: “Danjirihii ugu horreeyey ee British u jooga Sacuudiga oo toos u tegay Xajka, kadibna ka sheekeeyey Islaamka.
Simon Collis iyo Xaaskiisa Hud oo ku sugan Maka. Ilaaha mahad leh iyo Mr. Collis oo iyada ugu mahadceliyey Twitterka â€
Ùوزية البكر â€@fawziah1  Sep 12
أول سÙير بريطاني للمملكة يؤدي Ùريضة الØج بعد اسلامه:سيمون كوليز مع زوجته السيدة هدي ÙÙŠ مكة. الØمدلله
1,052 retweets762 likes
Ambassador Simon Collis waxa uu ka mid ahaa 19,000 oo Xujeey Britishoo sannadkan soo gutay Waajibadka Xajka.
Sidoo kale, Danjiraha Simon Collis oo aabe u ah 5 carruurah waxa uu Xilka Safiirnimo ka soo qabtay dalalka Iraq, Syria iyo Qatr, iyadoo xilalka kale ee Diplomaasi Sare ka soo qabtay dalalka Imaaraadka Carabta, Yemen, India iyo Tunisia
Wargeyska Daily Mail ee k soo baxa magaalladda London oo Warbixin dheer ka qoray Danjiraha Britain ee soo Islaamay, soona xajiyey ayaa ku tilmaamay Ambassador Simon Collis inuu noqon karo Danjirihii ugu horreeyey ee British ah oo soo Islaamay.
Ninkii ugu horreeyey ee u dhashay dalka British ee soo islaamay  ayaa la orn jirey Abdullahi William Quilliam dabyaaqadii Qarnigii 19-aad.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan