Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed)
Munaasabada waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle,Xildhibaano Saraakiisha ciidamada Dowladda,kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baladweyne.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Col,Isaaq Cali Cabdulle oo munaasabada ka hadlay ayaa Shacabka gobolka Hiiraan deegaanadiisa kala duwan ku nool ka dalbaday inay ka Shaqeeyaan horumarinta deegaankooda.
Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka wareejiyey Cabdullaahi Axmed Maalin(Sufuroow) ayaa ugu baaqay mas’uuliyiintii uu la soo shaqeeyey itii uu xilka hayey inay cafiyaan,isla markaana uu la Shaqeyn doono Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Mas’uuliyiintii munaasabada ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle,waxana uu aad u amaanay guddoomiyaha xilka baneeyey ee gobolka,Hiiraan,isaga oo guddoonsiiyey Shahaado Sharaf.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan ee Maanta xilka la wareegay ayaa sheegay in guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan uu ku soo Shaqeeyey waqti adag,isla markaana halkaasi uu ka sii wadi doono.