26 Badmaax oo  ka soo jeeda Qaaradda Asia ayaa laga soo badbaadiyey Kooxihii afduubka u haystay in ka badan 4-sanno.
Hadal-qoraal oo ay soo saartay Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha, Hua Chunying ayaa xaqiijisay arrintaasi, waxayna sheegtay in 10 ka mid ah La-haystayaasha u dhsaheen dal-weynaha Shiinaha, halka 2 kalena ka soo jeedaan Jesiiradda Taywaan.
“26-ka Badmaax waxaa la soo badbaadiyey maalintii Sabtida, iyadoo loo maray dadaalo kala duwan†ayey tiri Afhayeenadda oo aan faahfaahin Hawlgalka lagu soo badbaadiyey Badmaaxiintaasi oo ka soo kala jeeda dalalka Vietnam, Taiwan, Cambodia, Indonesia, China iyo Filibiin.
Badmaaxiintaasi oo shaqaale ka ahaa Doonida FV Naham 3 ayaa la qabtay bishii Marso ee sannadkii 2012-kii, sida uu sheegay Wakiilka Burcad-baddeeda, Bile Xuseen.
Waxa uu intaasi ku daray in Badmaaxiinta lagu sii daayey lacag madax furasho oo dhan 1.5 million oo Dollar, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayo in la bixiyo lacagtaasi.
©Radio Dalsan