Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyootay oo uu ku jiray ilmo yar oo 10 maalmood dhalanaa, kadib, markii uu dhul-gariir halbeegiisu dhamaa 6.4 Rectar Scale uu Waaberigii hore ee saakayto ka dhacay Jesiiradda Taiwan.
Dhismo ka kooban 17 dabaq ayaa ku dumay Dhul-gariirkaasi.
Kooxaha Gurmadka waxay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan ku-dhawaad 200 oo qof oo ku xayirmay Dhismahaasi, kadib, markii uu Dhul-gariirku ruxay Degmadda Tainanee Koonfurta Taiwan.
Wakaalalladda Wararka ee Taiwan’s state news agency ayaa sheegtay inuu Dhul-gariirku dhacay abaarihii 4:00 habeenimo ee Saqdii dhexe ee xalay, iyadoo uu bilaabanayey Fasaxa Sannadka cusub ee Shiinaha “The start of the Chinese New Year holidaysâ€.
Dadka ku geeriyooday Dhul-gariirkaasi waxaa kaloo ka mid ah gabar 10-jir ahayd, Oday 50-jir ahaa, Nin kale oo 40-jir ahaa iyo Haweeney 55 jir ahayd, sida lagu sheegay Warbixin laga soo saaray Xarunta La-socodka Gurmadka ee Degmadda Tainan.
Kooxaha Dab-damiska waxay u sheegeen Telefishinka Channel News Asia inay Haweeney kale geeriyootay, kadib, markii uu ku dul habsaday Haanta lagu kaydiyo Biyaha.
Dhul-gariirka waxaa laga samata-bixiyey 230 qof, iyadoo 378 kalena ku dhaawacmeen Dhul-gariirkaasi oo ay Dhismooyin badan iyo hanti kale ku burbureen.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
 ©Dadweyne Media    Â