Sida lagu daabacay Shabakada LeoHohmann.com Rag Soomaali ah oo ka tirsan  Kooxaha Gangs-ka ayaa la sheegay inay dhawaan isku rasaaseeyeen Xaflad Aroos oo ka dhacday magaalla-madaxda Gobalka New Hampshire ee Concord.
Boliska ayaa sheegay in 4 Burcad Soomaali ah oo ka kala yimid Goballadda Ohio, Tennessee iyo Pennsylvania ay weerar ku qaadeen Xaflad Aroos o oay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo qof oo Soomaali ah.
Boliska waxay kaloo sheegeen in Maleeshiyadda dagaalantay oo ka soo kala jeeda Labo Beel oo Soomaali ah ay ugu yaraan 2 ka mid ah wateen qoryo iyo inay u muuqdeen kuwo dagaalamay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Kooxahaasi isku isku weydaarsadeen rasaas, waxayna Boliska halkaasi ka heleen 2 rasha xabbadaha ee Bistooladda dhumucdeedu tahay 38 Kaliibaro.
Shaqaaqadaasi ayaa la sheegay in lagu soo xiray 4 Eedeysane, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay:-
- Saalim Xuseen oo 22-jir ah,
- Jacfar Khaalid Isaaq oo 19-jir ah,
- Cabsi Cusmaan Maxamed oo 18-jir ah iyo
- Cali Daahir Xuseen oo 20-jir ah.
Dhinaca kale, Eedeysanayaashaasi oo la so otaagay Maxkamadda ayaa waxaa 2 ka mid ah lagu sii daayey Damiin Lacageed oo min 10-kun oo Dollar, halka 2-da kalena lagu sii daayey damiin lacageed oo min 750-Dollar ah.
Sorce leohohmann.com