Caaqil Ciise Macallim Maxamuud oo ka mid ah 135-kii Duubabka Beelaha ee soo xulay Barlamaanka Federalka ayaa galabta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Muqdisho, oo uu si kulul ugu naqdiyey Qoraal Been Abuur ah oo lagu faafiyey qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka iyo Warbaahinadda Bulshadda ee Social Media.
Waxa uu tilmaamay in lala xisaabtami doono, isla markaana Sharciga lala tiigsan doono  Shaqsiyaadka ka dambeeya arrintaasi.
“Dalka waxaa ka jira Dowlad iyo Sharci, waana khasab in lala xisaabtamo kuwa ka dambeeya Been Abuurkaasi†ayuu yiri Caaqil Ciise Macallim Maxamuud oo intaasi ku daray inaysan waxba ka jirin Wararka looga been abuuray Guddiga Dhaqanka ee Beesha Wacaysle ee uu xubinta ka yahay.
Hadalka Caaqil Ciise Macallim Maxamuud ayaa ku soo beegmay iyadoo  ay Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka ee Beesha Wacaysle, Caaqil Maxamed Cabdi Shide iyo Afhayeenka Guddigaasi, C/llaahi Cali Xasan “Fara-weyne†si wadajir ah u beeniyeen Qoraalka looga been abuurtay Hoggaanka Sare ee Guddiga Dhaqanka ee Beesha Wacaysle.
©Radio Dalsan