Baadariga weyn ee dadka Kirishtaanka, Pope Francis oo 79 jir ayaa istaaga ka dhacay,xilli uu ka qeyb galay Isku-soo-bax ka dhacay Deegaanka Jasna Gora oo ku taalla Koonfurta dalka Poland.
Waxaa dhicitaankaasi lagu sababeeyey inuu la xanuunsan yahay xanuun mararka qaarkooda ka haleela Lugta.
Waxaa la sheegay inuusan Pope Francis wax dhaawac ah soo gaarin, isla markaana uu dhamaystay Dibadbaxa oo Malaayiin qof si toos ah uga daawanayeen Telefishinka.
Dhinaca kale, Saraakiisha dalka Poiland waxay adkeeyeen Ammaanka, iyadoo ay Kooxaha Jihaadistayaasha nin Baadari ah ku gawraceen Kaniisad ku taalla dalka Faransiiska.
©Radio Dalsan