Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ayaa saakay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanada Beerayabaal iyo Aboorey, oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalkii dhacay lagu dilay tiro badan oo ka tirsan dagaalamayaasha AS, iyadoo sidoo kale la gacanta lagu dhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay kooxdu ku howlgalaysay.
Ciidamada Qaranka oo feejigan ayaa waaberigii hore fashiliyay weerar ay AS kusoo qaadeen goobaha ay saakay howlgalladu ka dhaceen. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidanku ku daba jiraan firxadkii dagaalamayaashii ka badbaaday dagaalka, iyagoo baaritaanno ka wada dhulka howdka ah ee ku teedsan wabiga Shabeelle.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa tilmaamay in jabkii ugu cuslaa la gaarsiiyay AS, isla markaana lagu burburiyay qorshayaashoodii ay doonayeen inay fuliyaan. Waxay intaas ku dareen in faahfaahinta rasmiga ah ee khasaaraha la gaarsiiyay dagaalamayaasha ay bulshada la wadaagi doonaan goordhow.
Dowladda Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah AS, iyadoo ciidamada huwanta ee iskaashanaya ay guulo wax ku ool ah ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxaha AS iyo Daacish.