Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka hotageen weeraro ay dagaalamaayasha  Al-Shabaab damacsanaayeen in ay ku soo qaadaan difaaca ciidamada Dowladda ee duleedka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka, guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa sheegay in skhasaaro xooggan xubno ka tirsan Al-shabaab isku dayay in ay arbushaad ka sameeyaan magaalada Xudur.
Taliyaha guutada, 9-aad ee ciidamada xoogga dalka Cali Ibraahim Isaaq Habad ayaa sheegay in Al-Shabaab isku dayday in ay weerar ku soo qaato magaalada Xudur, kuwaas oo ciidamada ay kaga hortageen duleedka,islamarkaana halkaas ku dileen 5-ka tirsan dagaalamayasha Al-shabaab, waaa sida ay hadalka u dhigeene.
Ciidanka Dowlada iyo Al-shabaab ayaa inta badan waxaa ay ku dagaalmaaan degaanno ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana siyaabo kala duwan ay labada dhinac ay guulo u kala sheegtaand agaalada ay galaan.