Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka bilaabay degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 12April oo ku hubeysan gaadiid dagaal ayaa si wadajir ah ugu dhaqaaqay degaanada Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolkaas sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysa.
Taliyaha ururka 15aad ee qeybta 12 April ee Ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Maxamuud Guutaale ayaa Idaacada Ciidamada qalabka sida u sheegay in howlgalkaan uu bilawday isla markaasine la gaaray xiliga Al-shabaab laga saari lahaa dalka
Sidoo kale waxaa uu sheegay G/sare guutale in ciidamada xoogga dalka ay degaano hoose taga shabellaha hoose lagu bur buriyay saldhigyo Al-shabaab ay ku diyaari jireen walxaha qaraxa isagoona xusay in gacanta lagu haayo dadkii diyaarinayay walxaha qaraxa.
Deegaanada Gandershe iyo Jilib Marka ayuu sheegay in ciidamadu ay howlgalka ka dameeyeen,isla markaana ay bur buriyeen saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab Waa sida uu hadalka u dhigaye.
Al-Shabaab weli wax war ah dhankooda kama soo bixin ee ku aadan warkaan ka soo baxay saraakiisha ciidamada xoogga dalka ay ku sheegeen in ay bur buriyeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.