Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo tababar ku qaadanaya wadanka Turkiga ayaa u dabaaldegay xuska munaasabada 1-da Luuliyo oo ku asteysan 64-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay Gobalada Koonfureed ay xurnimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay midoobeen Koonfur iyo Waqooyi.
Saaraakiisha oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay u taaganyihiin sidii ay naftooda iyo dhiigooda ugu huri lahaayeen difaaca Dalkooda iyo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee koowda Luuliyo.