Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ayaa booqasho rasmi ah ku tagay tuulooyin iyo degaanno ka tirsan Gobolka Bari, halkaas oo ay kulamo muhiim ah kula qaateen bulshada degaanka.
Ciidamada ayaa si gaar ah u booqday deegaanka Timirshe oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Daacish. Saraakiisha ayaa bulshada deegaanka kala hadlay muhiimadda ay leedahay la shaqeynta ciidamada ammaanka si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida.
Waxay tilmaameen in shacabka deegaanka muddo badan ay ku hoos noolayeen xukunka Daacish, balse hadda laga doonayo inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda.
Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale bulshada u ballanqaaday hirgelinta mashaariic horumarineed iyo dhismaha kaabayaasha bulshada ee degaannada laga saaray Daacish. Waxay carrabka ku adkeeyeen in maamulka Puntland uu diyaar u yahay inuu taageero buuxda siiyo shacabka ku nool deegaannadaasi si dib loogu dhiso noloshii iyo adeegyadii asaasiga ahaa ee meesha ka baxay.
Waxay intaas ku dareen in madaxda ugu sarreysa Puntland ay dhawaan booqan doonaan deegaannada laga saaray kooxda Daacish, Maamulka Puntland ayaa dhowaan qaaday guluf milatari oo xooggan oo ka dhan ah Daacish, taasoo keentay in laga xoreeyo deegaanno badan oo muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Bari.