2 ka tirsan Hoggaamiyayaasha Ciiddanka Khaaska ee Mariniska Maraykanka ayaa loo oggolaaday inay dib u shaqo galaan, kadib, markii lagu waayey Eedeymo lagu sheegay inay kufsadeen qaar ka mid ah Haweenka ka tirsan Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Somalia.
Labada Sarkaal oo lagu kala magacaabo Taliye Jarrod Donaldson iyo Jon Franklin waxaa bishii May ee sannadkan lagu celiyey dalka Maraykanka waxaa loo sheegay inay dib u shaqo geli karaan, inkastoo ay muteysan doonaan Ciqaab dhanka Maamulka.
Saraakiisha Difaaca ee Maraykanka waxay sheegeen in mid ka mid Taliyayaashaasi lagu soo eedeeyey inuu Taabasho xodxodasho ah kula kacay Askariyad Maraykanka, xilligii Askartaasi loo dada-gureynayey Hawlgalka ka socda Somalia.
Dhinaca kale, Labada Sarkaal ee loo fasaxay inay dib u hawl-galaan waxay ka tirsan yihiin Kooxda Khaaska ee Mariniska Maraykanka ee US Navy Seal ee ka hawlgala Saldhigyadda Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalalka Jabuuti iyo Somalia, kuwaasi oo Milliteriga DFS iyo kuwa AMISOMÂ ka taageera Awoodaha La-talinta ee La-dagaalanka Alshabaab.