Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta ay gacanta ku dhigeen ciidamada milatariga Itoobiya, lala xiray qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Liyuu Boolis.
Ciidamada Itoobiya oo goor sii horeysay u dhacay goob uu ku sugnaa madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Somalida Itoobiya ayaa la xaqiijiyay in sidoo kale ay goobta ka qabteen qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Liyuu boolis, sida uu daabacay Wargeyska Addis Standard ee kasoo baxa magaalada Addis Aababa.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha Liyuu booliska ee lala xiray saacadaha soo socda lagu wado in loo duuliyo magaalada Addis Aabab ee caasimadda dalka Itoobiya.
Saraakiisha la xiray oo kamid ah hogaanka sar sare  e ciidamada Liyuu booliis ayaa kamid ah saraakiil horey u dhibaato xoogan ugu geystay dad shacab ahaa oo aanan waxba galabsan iyadoo sidoo kale lala xiriirinayo kulug lahaanshaha rabshadihii ka dhacay Jigjiga oo dad badan ay ku dhinteen.