5 ka tirsan Boliska Khaaska ee GSU ee dalka Kenya ayaa la dilay, 3 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii ay Gaarigii ay la socdeen ay saakayto miino kula kacday Deegaankaasi.
Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu saakayto 9-kii aroornimo ka dhacy Deegaanka Harare e ka tirsan Degmadda Libooya oo dhowr KM u jira Xuduudka Somalia.
Askartaasi ayaa la sheegay inay ku jireen Hawlgal Ilaalo ah, iyadoo ay dadka Deegaanka maalmahaan ka cabanayeen Qafaal ay Askarta Kenya u geystaan dadka Deegaanka.
Dhinaca kale, Taliye-xigeenka Dhadhaab, Haruun Kamau ayaa sheegay inay3 ka mid ah Askartii ku dhaawacantay Qaraxaasi xaalladooda aad u liitay, isla markaana loo duulliyey magaalladda Nairobi.
Waxa kaloo uu sheegay in ay Ciiddamo xoojin ah u direen goobta uu qaraxu kaa dhacay, wuxuuna sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ku tuhunsan yihiin inay ka dambeeyeen Qaraxaasi.